Xulka Talyaaniga oo isbedel ku samaynaya shaxdiisa kulanka berri ee Israel… (Safka macquulka ah)

(Rome) 04 Sebtembar 2016 – Leonardo Bonucci, Marco Verratti iyo Alessandro Florenzi ayaa la filayaa inay ku soo bilowdaan kulanka xulkooda Talyaanigu uu la ciyaari doono berri dhiggooda Israel ee kulankooda furitaanka isreeb-reebka koobka Adduunka.

Kulanka ayaa berri oo Isniin ah ka dhici doona Haifa.

Daniele De Rossi  ayaa dhaawac ku maqan, waxaana la rumeysan yahay inuu Riccardo Montolivo uu booskiisa buuxin doono.

Florenzi kaasoo la bedelay kulankii saaxiibtinno Khamiistii ay guuldarro 3-1 France, laakiin waxa uu ku soo billaaban karaa kulanka Israel.

Bonucci ayaa dib uga soo laabtay saddex kulan oo ganaax uu ku maqnaa kaastoo xitaa seejiyey kulankii France.

Haddaba safka macquulka ah ee Italy halkaan hoose ka eeg:-

Buffon; Barzagli, Bonucci, Chiellini; Florenzi, Verratti, Montolivo, Parolo, Candreva; Eder, Pellè.

Florenzi

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close