Wakiilka Balotelli; “Jurgen Klopp tababare fiican ma ahan si xun ayuuna ula dhaqmay Balotelli”

download

(Roma), 04 September 2016        –Mino Raiola oo ah Wakiilka Weeraryahan Mario Balotelli ayaa cambaareeyay qaabkii Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp uu ula dhaqmay Mario.

Ciyaaryahan Balotelli oo 26 jir ah ayaa Talaadadii heshiis sanad ah ugu wareegay kooxda Nice ee Faransiiska kaddib markii uu iska waayay liiska tababaraha Liveprool, Klopp.

“Waxaan xaqiijinayaa in Klopp uu si xun ula dhaqmay Balotelli, ma doonayo in aan xukumo tababarenimadiisa, laakiin aniga ahaan waxaan ku tilmaami karaa tababare xun” ayuu Raiola u sheegay ‘La Gazzetta dello Sport’.

“Mario wuxuu ahaa tusaale weligiinna kama caban inuu keligii tababarto, Tababare Klopp si qalad ah ayuuna go’aan uga soo saaray, inuu fahmo Balotelli iska daaye wuxuu xitaa garan waayay shaqsiyaddiisa” ayuu sii raaciyay Wakiilku.

Raiola ayaa ciyaartoyda uu wakiilka u yahay waxaa ka mid ah xidigga ugu qaalisan dunida Paul Pogba, iyo Zlatan Ibrahimovic oo labaduba u ciyaara kooxda Manchester United.

Gool FM

mino

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close