Barcelona oo ka hadashay xaalada dhaawac ee laacibkeeda Andre Gomes

(Barcelona) 04 Sab 2016 Kooxda Barcelona ayaa ka hadashay xaalada dhaawac ee laacibkeeda ku soo biiray dhawaantaan ee Andre Gomes kaas oo la dhibtoonaya dhaawac ka soo gaaray kulamada xulkiisa Portugal.

Sida ay shaacisay Barcelona, Andre Gomes ayaa la dhibtoonaya dhaawac dhanka muruqa ah kaas oo ka soo gaaray lugta midig kulankii xulkiisa Portugal uu 5-0 uga adkaaday xulka Gibraltar.

Kooxda ayaa intaa ku dartay in ku soo laabashada garoomada ee Andre Gomes ay ku xirantahay sida uu uga soo caafimaado dhaawacaan soo gaaray.

Barcelona ayaa shaacisay in Andre Gomes uu dib ugu soo laabtay kooxda kadib dhaawicii ka soo gaaray kulamadii xulkiisa Portugal.

Andre Gomes ayaa ku soo biiray Barcelona suuqii xaggaaga markaas oo uu ka soo dhaqaaqay kooxda Valencia, wuxuuna kula biirayaa Messi liiska ciyaartoyda Barcelona ka dhaawacmay kulamada xulalka qaranka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close