Mourinho oo laba laacib ka doonaya kooxda Atletico Madrid

Saul Niguez and Antoine Griezmann

(Manchester) 03 Sab 2016 Wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya in tababare Jose Mourinho uu qorshaynayo in Atletico Madrid uu kala wareego laba laacib.

Tababaraha reer Portugal ayaa beegsanaya ciyaartoyda kala ah Saul Niguez iyo Antoine Griezmann sida ay baahisay shabakada Fichajes.

Mourinho ayaa u arka Antoine Griezmann badalka kabtanka kooxda Man United ee Wayn Rooney kaas oo qorshaynaya inuu ka fariisto ciyaaraha caalamiga ah kadib koobka aduunka ee 2018.

mourinho-1

Sidoo kale tababaraha United ayaa qorshaynaya inuu kooxdiisa keeno 21 jirka qadka dhexe ee Saul Niguez kaas oo 8-gool u dhaliyay kooxdiisa xiliciyaareedkii hore 34 kulan oo uu u ciyaaray.

Mourinho ayaa qarash gareeyay lacag ku dhaw 200 milyan oo Ginni suuqii kala iibsiga ee xaggaaga, markaas oo kooxdiisa uu keenay Eric Bailly, Zlatan Ibrahimovic, Paul Pogba iyo Henrikh Mkhitaryan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close