SADDEX DAAFAC: Antonio Conte oo dhawrkan KAARTO ku qaabeyn kara safkiisa

1

(London) 01 Sebtembar 2016. Tababaraha Chelsea Antonio Conte waxa uu maalinkii suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada la soo wareegay laba daafac, Marcos Alonso iyo David Luiz.

Conte oo u dhashay dalka Talyaaniga ayaa si weyn u baadi goobayey daafacyo daba yaaqadii suuqa maadama ay tahay waax u baah nayd in Blues laga dhiso.

Hore waxa uu u hasytay John Terry, kabtanka waa rug cadaa laakiin da’a ayaa ka dama timi mana aha mid lagu tiirsanaan karo, Gary Cahil oo isna hada ay so ridatay da’da, Cesar Azpilicueta  iyo Bransilav Ivanovic.

Yeelkeede, arbacadii waxa uu isku soo xoojiyey Luiz oo hore ugu ciyaaray Blues iyo Alonso oo laba boosle ah, daafac dhexe iyo biddixda oo uu ku wanaagsan yahay.

Hadaba, iyada oo la yaqaan in uu Conte aad u adeegsado shax ku saleeysan saddex daafac iyo laba garab dambeedyo (Diamond) waxa uu heystaa xulasho dhawr ah.

HALKAN HOOSE KA EEG KAARTOOYINKAAS

2 3 c4

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close