Maxaa ka jira in Dante uu weeraray tababarihiisii hore ee Pep Guardiola?

Image result for dante guardiola

(Nice) 01 Sab 2016 Daafaca reer Brazil ee kooxda Nice ee dalka faransiiska Dante ayaa beeniyay inuu weeraray tababarihiisii hore ee Pep Guardiola.

Dante ayaa katagay Bayern Munich waqtigii tababare Guardiola markaas oo uu boos joogto ah ka waayay kooxda reer Jarmal.

Wargayska Bild ayaa shalay baahiyay waraysi uu bixiyay 32 jirka reer Brazil ee Dante kaas oo ku tilmaamay tababarihiisii hore ee Pep Guardiola mid bini’aadan-nimadiisu ay liidato.

Dante ayaa yiri:

“Pep kuulama hadlayo sida ciyaaryahan, mana garan kartid waxa uu kaa aaminsanyahay, tababarayaasha qaar waxay ku fiicanyihiin taatiko ahaan, laakiin isagu waa kan ugu liita dhanka bini’aadan-nimada”.

Image result for dante guardiola

Laakiin laacibka ayaa Boggiisa Twitter-ka ku beeniyay inuu bixiyay waraysi nuucaas ah wuxuuna soo qoray:

“Inbadan ayaan ixtiraamaa Pep Guardiola, wax badan ayuu iga caawiyay oo kubadda cagta ah, waa shaqsi wax ibaray, kuma dhahayo hadal lid ku ah shaqsi wax uun ibaray”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close