Chelsea oo shaacisay lambarada ay xiran doonaan saxiixyadooda cusub ee Luiz iyo Alonso

Photo published for Numbers up for new signings

(London) 01 Sab 2016 Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday lambarada ay xiran doonaan ciyaartoydeeda cusub ee kala ah Marcos Alonso iyo David Luiz.

Labadaan laacib ayaa dhamaystiray ku biiristooda Blues saacadihii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga kaas oo soo xirmay xalay.

Marcos Alonso ayaa u xiran doona kooxdiisa Chelsea lambar “3” halka David Luiz uu u xiran doono lambar “30”, labada laacib ayaana ku ciyaari doona lambaradaas xiliciyaareed kan bilowga ah.

Image result for David Luiz Chelsea

David Luiz oo horay ugatagay Chelsea ayaa u xiran jiray lambar “4”, balse kooxda ayaa siisay lambarkaas laacibkooda qadka dhexe ee Fabregas.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close