Xiddig Manchester United muhiim u ah oo waajibaad qaran ku dhaawacmay

(Manchester) 01 Sebtembar 2016. Laacibka khadka dhexe ee Manchester United Henrikh Mkhitaryan ayaa qeybtii hore laga saaray isaga oo waajibaad qaran dalkiisa Armenia u gudanaya kaddib markii ay jug soo gaartay.
Xiddigan £26m xagaagan Man United uga soo biiray Borussia Dortmund ayaa isaga oo kabtan ah xulkiisa ku matalayey ciyaar saaxiibtinimo oo caawa (Arboco) ay la dheelayeen Czech Republic.
Ciyaaryahanka waxa ay isku dheceen daafaca Czech ee Marek Suchy.
Hase ahaatee, sida laga soo xiganayo saxafiga caanka ah ee ku sugan Moscow Artur Petrosyan Mchitaryan waxaa loo saaray taxadar.
It could be a precaution from Mkhitaryan to ask to be replaced. Something with ribs in the worst scenario, but probably nothing serious.
— Artur Petrosyan (@arturpetrosyan) August 31, 2016
Gool FM.