RASMI: Laacibkii hore ee AC Milan, Roma, Juventus iyo Liverpool Alberto Aquilani oo ku biiray Pescara

eq

(Italy) 31 Agoosto 2016. Kooxda Pescara ee ka dhisan Talyaaniga yaa xaqiijisay inay heshiiska xorta ah kula soo wareegtay Alberto Aquilani.

Laacibkii hore ee khadka dhexe kooxaha Juventus, Roma, Milan iyo Liverpool ayaa ka soo tagay Sporting CP horaantii bishan waxaana si wayn loo filayay inuu ku soo biiro Pescara.

Alberto Aquilani ayaa 38-kulan u saftay xulkiisa Talyaaniga wuxuuna u dhaliyay 5-gool oo ay ku jirto labo gool uu ka dhaliyay Montenegro isreeb-reebkii koobka adduunka ee 2010.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close