DEG DEG: Roma oo heshiis lagaartay laacibka Arsenal ee Jack Wilshere

(Roma) 31 Agoosto 2016 Kooxda AS Roma ee dalka talyaaniga ayaa shuruuda gaarka ah kala heshiisay laacibka qadka dhexe ee Arsenal Jack Wilshere.

BBC Sport ayaa baahisay in wakiilada Jack Wilshere iyo kooxda Roma ay heshiis wadagaareen, waxaana la filayaa in laacibku uu amaah ugu dhaqaaqo caasimada talyaaniga.

Wararka ayaa intaa ku daray in Jack Wilshere qudhiisu uu aad u doonayo ku biirida kooxda macalin Spalletti ee AS Roma.

Roma ayaa haatan ka warsugaysa Arsenal maadama ay heshiis lagaareen laacibka, waxaana la filayaa in laacibku uu ku biiro kooxda reer talyaani ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga caawa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close