Xilliga la sameyn doono isku aadka tartanka degmooyinka gobolka Banaadir

(Muqdisho) 30 Agoosto 2016 –Waxaa lasoo saaray xilliga la sameyn doono isku aadka tartanka degmooyinka gobolka Banaadir, oo sanadkaan xiisahiisa wata.

Tartanka ayaa sanadkaan, waxaa  mar kale ka qeyb qaadanayo 17-ka degmo, iyagoo maalmihii lasoo dhaafay waday diyaar garoow xoogan.

Sida ay inoo xaqiijiyeen madaxda Isboortiga gobolka Banaadir, isku aadka  tartankaan ayaa  dhici doono maalinta bari ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay  31-ka Agoosto 2016-ka

Sikastaba tartankaan ayaa waxaa difaacanaya degmada Boondheere oo sanadkii lasoo dhaafay ka qaaday dhigeeda Waabari.

Gool FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close