Waa maxay qorshaha Manchester United ay ka damacsan tahay Marcos Rojo?

marcos-rojo

(Manchester) 30 Agoosto 2016. Wakiilka daafaca Manchester United Marcos Rojo ayaa sheegay in kooxda ay dooneyso joogitaanka Argentinian-ka.

Rojo wali kulan Premier League  kama soo muuqan ololahan iminka furmay waxaana ka horreeya xulashada Chris Smalling, Eric Bailly, iyo Deley Blind.

‘Manchester United waxa ay diiday dalabyo dhawr ah oo uga imanayey England iyo dibadaba,’ ayuu Goncalves u sheegay Sports Witness.

Goncalves oo ah wakiilka Rojo waxa uu aaminsan yahay in kooxda ay dooneyso haysashada laacibka.

‘Manchester United waxa ay rabtaa in uu joogo.’

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close