Sergio Aguero oo maanta sugaya inuu kala ogaado in laga ganaaxay ama inuu ciyaarayo kulanka Manchester Derby

Aguero

(Manchester) 30 Agoosto 2016 – Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Manchester City ee Sergio Aguero ayaa maanta oo Talaado ah wajahaya dacwadda xiriirka kubadda cagta Ingiriiska iyo suurtogalnimada ah in laga ganaaxo ciyaaraha saddex kulan oo uu ku jiro kulanka Manchester Derby, kaddib markii uu xusul laqsiiyey laacibka kooxda West Ham ee Winston Reid.

Andre Marriner oo ahaa garsooraha ciyaartaas ayaan wax go’aan ah ka qaadan dhacdadaas intii lagu guda jiray kulankii ay Man City 3-1 kaga adkaaday West Ham ee Premier League, waxaana laga yaabaa in FA-gu ay dacwad ku soo oogaan Aguero, haddii garsoore Marriner uu xaqiijiyo inuusan arkin dhacdada.

Kooxda Man City ayaa ku adkaysanaysa inuu garsoore Marriner arkay dhacdadaan, maxaa yeelay waxa uu taagnaa meel shan mitir u jira goobta uu falku ka dhacay, waxaana haddii ay taasi dhab noqoto uusan Aguero yeelan doonin wax dambi ah.

Haddii Aguero la ganaaxo hubaal waxa uu seegi doonaa kulanka xiga ee Premier League oo ay kooxdiisa Man City ee la ciyaari doonaan deriskooda Manchester United 10 bisha September ee soo aaddan.

Wixii ka soo baxa arrinta Aguero ganaaxiisa kala soco goolfm.net.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close