Samir Nasri oo ku wajahan Sevilla si uu tijaabada caafimaadka ugu maro

(Manchester) 30 Agoosto 2016 Wararka ka imaanaya Faransiiska ayaa sheegaya in laacibka kooxda Man City ee Samir Nasri uu haatan ku sii jeedo dalka Spain.

Nabil Djellit oo ah wariye ka tirsan France Football ayaa baahiyay in Samir Nasri uu haatan ku siijeedo Sevilla si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda reer Spain.

Lama shaacin heshiiska uu Samir Nasri ugu biirayo kooxda Sevilla balse waxaa la filayaa inuu jiro heshiis dhexmaray Sevilla iyo Man City.

Tababare Pep Guardiola ayaa ku wargaliyay 29 jirka reer France inuu raadsado koox uu ka heli karo boos joogto ah, maadama uusan ku jirin qorshihiisa xiliciyaareedka cusub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close