RASMI: Weeraryahankii kooxda Man United ee Will Keane oo ku biiray Hull City

(London) 30 Agoosto 2016 – Kooxda kubadda cagta Hull City ee Waddanka Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday inay dhammaystirtay saxiixa weeraryahankii kooxda Man United ee Will Keane, waxaana uu Hull City ugu soo wareegay heshiis saddex sanadood ah iyo qiime lacageed aan la shaacin.

Will Keane ayaa haatan iyo wixii ka dambeeya ka dheeli doona garoonka Hull City ee KCOM Stadium, waxaana xiddigan uu kaliya saddex kulan u ciyaaray kooxda koowaad ee Man United, isla markaana amaah ku soo qaatay naadiga Preston.

“Waxaan ku faraxsannahay inaan heshiis kala gaarnay Man United Will Keane lacag aan qiimeheeda la shaacin.” ayuu u dhignaa qoraan ay kooxda Hull City ku shaacisay saxiixa Keane.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close