RASMI: Kooxda Inter Milan oo ku dhawaaqday saxiixa Gabriel Barbosa, kaasoo ay maanta ku beegan tahay dhalashadiisa

CrHw6S4WEAE_N4Z

(Milano) 30 Agoosto 2016 – Kooxda kubadda cagta Inter Milan ee Waddanka Talyaaniga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa Gabriel Barbosa, kaasoo ay ka soo qaateen kooxda Santos.

Xiddigan oo loo garanayo Gabigol ayaa u saxiixay kooxda Inter Milan heshiis shan sanadood ah oo uu ku sii joogayo garoonka San Siro, kaasoo ku eg ilaa bisha June sanadka 2021.

Weeraryahankan ayaa horay tijaabada caafimaad ugu maray kooxdan todobaadkii hore, waxaana uu soo ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyey ee kooxdiisa Santos, si uu u soo macsalaameeyo kooxdiisa iyo taageerayaashiisa.

Caawa ayey ku dhawaaqay Inter Milan inay la saxiixatay weeraryahankan reer Brazil, kaasoo ay maanta ku beegan tahay dhalashiisa oo 20 sano jirsaday.

Waxaa la rumeysan yahay in qiimaha ay kula soo wareegtay laacibkan uu ku kacayo adduun dhan €28m.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close