RASMI: Calum Chambers oo amaah ugu biiray kooxda Middlesbrough

(Middlesbrough) 30 Agoosto 2016 Daaficii kooxda Arsenal ee Calum Chambers ayaa amaah hal xiliciyaareed ah ugu biiray kooxda Middlesbrough oo dadaal dheer ugashay saxiixiisa.

Tababare Wenger ayaa ku qancay inuu amaah ku fasaxo Calum Chambers maadama ay adagtahay in xiliciyaareed kaan uu boos joogto ah ka helo kooxda Arsenal.

Chambers ayaa dalabyo badan ka doorbiday kooxda Middlesbrough maadama uu u arko inay tahay koox uu ka heli karo boos joogto ah.

“Xaqiiqdii aad ayaan u faraxsanahay, waxaan jeclahay inaan u mahadceliyo Chambers waayo waxaan ognahay inuu Middlesbrough ka doorbiday dalabyo badan oo loo soo gudbiyay” ayuu yiri tababaraha kooxda Middlesbrough.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close