RASMI: Arsenal oo ugu danbayntii shaacisay saxiixa Shkodran Mustafi + SAWIRRO

Photo published for Shkodran Mustafi signs for Arsenal

(London) 30 Agoosto 2016 Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah u shaacisay saxiixa daaficii kooxda Valencia ee Shkodran Mustafi kaas oo u saxiixay heshiis 5 sano ah.

Arsenal ayaa kula soo wareegtay 24 jirkaan reer Jarmal aduun dhan 35 milyan oo Ginni, laacibka ayaana ka gudbay tijaabada caafimaadka waqti hore oo isbuucaan ah.

Tababaraha Arsenal ayaa ku qasbanaaday inuu la soo wareego Shkodran Mustafi kadib markii ay dhaawacmeen Per Mertesacker iyo Gabriel Paulista.

“Ugu danbayntii waxaa la joogaa waqtigii la shaacin lahaa inaan u saxiixay Arsenal, ma sugi karo inaan u ciyaaro kooxdaan cajiibka ah” ayuu ku soo qoray Boggiisa Twitter-ka.

Tababare Wenger oo dhankiisa ka hadlay saxiixa Mustafi ayaa yiri:

“Wuxuu jiraa da’dii ku haboonayd, wuxuu leeyahay khibrad fiican, waxaan helnay laacib cajiib ah, balse waxaan sifiican ugu diyaarin doonaa mustaqbalka”.

Photo published for Quiz: How well do you know Mustafi?

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close