Madaxwaynaha Barcelona oo shaaciyay magacyada ciyaartoy dhawr ah oo goordhaw saxiixi doona heshiisyo cusub

(Barcelona) 30 Agoosto 2016 Madaxwaynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa daaha ka qaaday in kooxdiisu ay diyaarinayso inay heshiis cusub ka saxiixdo ciyaartoy dhawr ah.

Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay in Lionel Messi uu saxiixi doono heshiis cusub balse wuxuu intaa ku daray in Luis Suarez iyo Ivan Rakitic ay ka horayn doonaan laacibka reer Argentina.

Sidoo kale madaxwaynaha ayaa diiday inuu ka hadlo heshiis kordhinta tababare Luis Enrique, wuxuuna sheegay in bilaha ugu horeeya sanadka 2017 ay la fariisan doonaan tababarahooda.

“Heshiis kordhinta Enrique? arinkaas kama hadlayno haatan iyo xitaa bilowga sanadka, waxaan la hadli doonaa bilaha February iyo March midkood” ayuu yiri Josep Maria Bartomeu.

“Enrique qudhiisu wuxuu sheegay inuusan doonayn ka hadalka heshiis kordhintiisa ilaa uu ka dhamaado xiliciyaareedka, haatan waxaan xooga saari doonaa Laliga iyo Champions League”.

Josep Maria Bartomeu oo wax laga waydiiyay heshiis kordhinta Lionel Messi ayaa yiri:

“Waxaan kala hadli doonaa Messi heshiis kordhintiisa, sidaas oo kale waxaan la hadli doonaa Suarez iyo Rakitic, waxaan la hadli doonaa dhamaantood bilaha nagu soo aadan waayo waxaan doonaynaa inay heshiis cusub saxiixaan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close