HAMBALYO: Kooxda Bariga  Dhexe oo ku guuleysatay horyaalka heerka labaad ee Soomaaliya

10384762_1403547993286346_2736489628603598004_n

(Muqdisho) 30 Agoosto 2016 –Kooxda ka dhisan gobolka Sh/Hoose ee Bariga  Dhexe ayaa  ku guuleysatay horyaalka heerka labaad ee Soomaaliya, kaddib guul ay ka gaartay naadiga FC: Banaadir.

Kullankaan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan, waxa uuna go’aaminayay hanashada horyaalka iyo kooxdii kusoo bixi laheyd kaalinta labaad.

Ciyaar la isku riiqmay  ayaa labada kooxood waxa ay ku yeesheen garoonka Koonis, waxaana waqtigii loogu tala galay ciyaarta ay kusoo dhamaatay 3-2, oo ay guusha ku qaadatay Bariga Dhexe xilli labo ka mid ah goolashaan uu dhaliyay xiddiga Axmed Cabdiqaadir Buush.

kooxda Banaadir ayaa dooneysay in ay usoo baxdo  heerka koowaad balse ma noqon oo natiijadii galabta ayaa xaqiijisay in Muqdisho United iyo Bariga  Dhexe ay usoo baxaan heerka koowaad ee Soomaaliya.

Sikastaba horyaalka heerka labaad ee Soomaaliya ayaa lasoo gabo gabeyn doonaa maalinta khamiista sida ku cad jadwalka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close