Goolhaye Joe Hart oo ka dagay magaalada Turin ee Waddanka Talyaaniga… (DAAWO SAWIRRADA)

(Turin) 30 Agoosto 2016 – Goolhayaha xulka qaranka England ee Joe Hart ayaa ka dagay magaalada Turin ee Waddanka Talyaaniga si uu u dhammaystiro ku biiristiisa kooxda Torino, isla markaana uu halkaas tijaabada caafimaad ugu maro kooxdaa.

29-sano jirkaan ayaan laga jecleysan kooxda Manchester City oo uu kursiga keydka ka galay, sidaa darteed waxa uu ogolaaday inuu inta ka dhiman xilli ciyaareedkan amaah ugu ciyaaro kooxda Granata lagu naaneyso ee ka dheesha horyaalka Serie A.

Sawirro lagu baahiyey ToroNews.net ayaa xaqiijinaya Hart oo ka dagay garoonka diyaaradaha Caselle ee magaalada Turin si uu kooxda Torino baaritaanka caafimaad ugu maro.

Goolhayahan ayaa fasax laga siiyey tababarkii xulka qaranka England, waxaana diyaar gaar ah ay u soo qaatay Dalka Talyaaniga.

SAWIRRO:

Hart2

Hart3

Hart1

Hart4

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close