WAR CUSUB: Aubameyang oo baxsat u ah sidii uu ugu biiri lahaa Real Madrid

(Madrid) 29 Agoosto 2016. Pierre-Emerick Aubameyang ayaa isku dayi doona isla markaana qasbi doona inuu u dhaqaaqo Real Madrid ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga sida ay sheegeyso jariiradda Marca ee dalka Spain.
Xiddiga reer Gabon ayaa waqti badan lala xiriirinayay inuu u soo dhaqaaqo Santiago Bernabeu wuxuuna iminka diyaar u yahay inuu ku qasbo kooxdiisa si uu heshiiska u dhoco ka hor arbacada inta uusan xirmin suuqa.
Los Blancos ayaa kol horeba dib Juventus ugala soo saxiixatay weeraryahankeeda Alvaro Morata, haddii ay Dortmund dooneysana inay dhageysato dalabyada lagu doonayo weeraryahankeeda Aubameyang, waxay u badan tahay in Real Madrid ay sameyn doonto dalab dhab ah oo ku aadan xiddiga ka soo jeeda qaarada Afrika.
Gool FM.