SAWIRRO: Weeraryahanka cusub ee Arsenal Lucas Perez oo soo gaaray London

(London) 29 Agoosto 2016. Weeraryahanka cusub ee Arsenal Lucas Perez ayaa ka soo degay garoonka dayuuradaha Heathrow Airport ka hor inta aysan Gunners soo bandhigin.
Xiddiga reer Spain ee 17-milyan ugu kacaya Arsenal ayaa la heli karayaa wixii ka dambeeya kulamada caalamiga ah ee iminka ciyaartoyda loo fasaxay kaddib marka uu dhammeystiro soo dhaqaaqisitiisa.
27-jirka ayaa u dhaliyay naadigiisa Deportivo 17-gool xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.
Usbuucii la soo dhaafay ayay ahayd markii uu tababare Arsene Wenger shaaciyay inuu la soo wada wareegay daafaca Valencia Shkodran Mustafi iyo weeraryahanka Deportivo Lucas Perez.
SAWIRRO:
Gool FM.