SAWIRRO: Rugcadaagii Arsenal oo tababarkii ugu horreeyay la sameeyay xulka Belgium

(Belgium) 29 Agoosto 2016. Dhaliyaha ugu goolasha badan taariikhda Arsenal Thierry Henry ayaa usbuucii la soo dhaafay si lama filaan ah loogu magacaabay tababare ku xigeenka xulka Belgium.
Henry ayaa caawiye u ah tababare Roberto Martinez oo qudhiisa uu ku cusub yahay xilkan waxaana la arkayay maanta 39-jirka oo tababarkisii ugu horreeyay la sameynaya xulka Belgium.
Khamiista ayuu xulka Belgium kulan saaxiibtinimo la yeelan doonaa xulka Spain taa oo noqon doonta tijaabadii ugu horreeysay e tababare Martinez iyo caawiyihiisa Henry.
SAWIRRO:
Gool FM.