Samir Nasri oo looga gacanhaatinayo horyaalka Spain (Kooxdee doonaysa?)

Photo published for Sevilla set their sights on Samir Nasri | football | AS.com

(Manchester) 29 Agoosto 2016 Laacibka qadka dhexe ee kooxda Man City Samir Nasri ayaa xiiso ka helaya mid kamid ah kooxaha horyaalka Spain sida ay baahisay L’Equipe.

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Sevilla ayaa diirada saartay xiddiga reer France ee Samir Nasri si uu ugu buuxiyo booska uu banaynayo Vicente Iborra oo ku siijeeda Sunderland.

Tababare Pep Guardiola ayaa ku wargaliyay Samir Nasri inuu raadsado koox uu ku biiro maalmaha yar ee ka haray suuqa kala iibsiga kadib markii uu ku qanciwaayay qaab ciyaareedkiisa miisaankiisa oo kordhay dartiis.

Nasri ayaa ku dhibanaa inuu boos joogto ah ka helo kooxda Man City sanadihii la soo dhaafay, xiddiga ayaana daris la ahaa dhaawacyo isdaba joog ah.

Sevilla ayaa u aragta Samir Nasri saxiix faa’iido u leh kooxda kadib markii ay iska fasaxeen xaggaagan intabadan ciyaartoydii qadka dhexe u maamulayay xiliciyaareedkii hore.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close