Real Madrid oo iska soo diiday dalab kaga yimid Chelsea

james

(Madrid) 29 Agoosto 2016. Naadiga Real Madrid ayaa la warinayaa inay iska soo diiday dalab heshiis amaah ah ay Chelsea kaga dooneysay xiddigeeda James Rodriguez waa sida ay sheegeyso Daily Mirror.

Kooxda Antonio Conte ayaa dalab ka gudbisay wiilka reer Colombia kaa oo weli aan la hubin mustaqbalkiisa Bernabeu, balse dalabka ayaa ahaa mid ku meel gaar ah iyadoo Real Madrid ay dooneyso kaliya dalab joogta ah in looga iibsado.

http://u.goal.com/3646500/

Madaxwaynaha Los Blancos Florentino Perez ayaana eeganaya inuu ku helo James 60-milyan oo bound kaa oo la warinayo inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Premier League ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga arbcada soo socota.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close