RASMI: Didier Zokora oo dib ugu laabtay Horyaalka kubadda Cagta Hindiya… (Kooxdee ayuu ku biiray haatan?)

Zokora

(Guwahati) 29 Agoosto 2016 – Xidiggii hore ee Khadka dhexe xulka Ivory Coast, Didier Zokora ayaa dib ugu laabtay Horyaalka waddanka Hindiya, isagoo markan ku biiray kooxda North East United FC, waxaana xilli ciyaareedkii hore uu u soo dheelay kooxda FC Pune City.

Zokora oo 35 jir ah, ahna laacibka ugu kulan safashada badan Waddankiisa Ivory Coast, kaasoo saftay 123 kulan ayaa waxa uu horey ugu soo ciyaaray kooxo ay ka mid yihiin; Saint-Etienne, Tottenham iyo Sevilla isagoo Copa del Rey la qaaday Sevilla.

Zokora wixii ka dambeeyay 13 kulan oo uu xilli ciyaareedkii hore u dheelay FC Pune ma uusan ciyaarin kubadda cagta, balse haatan waxa uu diyaar u yahay in uu Hindidiisii dib uga howl bilaabo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close