Maxaa ka soo kordhay wararkii Joe Hart iyo Torino?

(Torino) 29 Agoosto 2016 Wararka ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in goolhayaha xulka ingiriiska ee Joe Hart uu ku cadaadinayo kooxdiisa inuu u dhaqaaqo kooxda Torino ee dalka talyaaniga.

Web-ka Di Marzio ayaa baahiyay in Joe Hart uu ku riixayo kooxdiisa Man City in loo ogolaado ku biirida kooxda Torino oo si wayn u doonaysa saxiixiisa.

Torino oo amaah ku doonaysa Joe Hart ayaa diyaar la ah bixinta qayb kamid ah mushaarkiisa, laakiin Man City ayaa la dhacsan dalabka Sunderland kuwaas oo diyaar la ah bixinta mushaarkiisa oo dhan.

Laakiin Joe Hart ayaa doorbadiya inuu ku biiro kooxda reer talyaani, wuxuuna iskudayayaa inuu ku qanciyo kooxdiisa Man City in loo ogolaado ka ciyaarida horyaalka talyaaniga.

Wararka ayaa intaa ku daraya in kooxda Torino ay diyaarsatay diyaarad gaar ah oo barri u qaadi doonta Joe Hart dalka talyaaniga, Man City ayaana la filayaa inay ogolaansho siiso caawa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close