Blaise Matuidi oo wali u furan ku biirida kooxda Juventus

RUMOURS: Matuidi still open to Juventus move

(Torino) 29 Agoosto 2016 Laacibka qadka dhexe ee kooxda PSG Blaise Matuidi ayaa wali u furan u dhaqaaqida magaalada Torino xaggaagan si uu ugu biiro Juventus.

Blaise Matuidi ayaan ku faraxsanayn sii joogitaankiisa garoonka Parc des Princes ee ay ku ciyaarto PSG, wuxuuna doonayaa ku biirida kooxda Juventus sida ay baahisay L’Equipe.

29 jirka reer France ayaa si wayn loola xiriiriyay xaggaagan u dhaqaaqida kooxda Juventus si uu badal ugu noqdo xidigii ku biiray Man United ee Paul Pogba laakiin PSG ayaa shaacisay in laacibku uusan iib ahayn.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Blaise Matuidi uusan raali ku ahayn inuu sii xirnaado funaanada kooxda PSG, Juventus ayaana la filayaa inay markale ka soo gudbiso dalab fiican ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close