Barcelona oo silama filaan ah u shaacisay saxiixa Paco Alcacer

(Barcelona) 29 Agoosto 2016 Kooxda Barcelona ee dalka Spain ayaa silama filaan ah u shaacisay saxiixa weerar yahankii kooxda Valencia ee Paco Alcacer.

Sida laga soo xigtay Wargayska Sport, Barcelona ayaa silama filaan ah bogeeda u soo galisay sawirka Paco Alcacer oo xiran maaliyada Barcelona.

Inkasta oo kooxdu aysan wali shaacin saxiixa laacibka, hadana lama filaan ayeey ku noqotay taageerayaasha kooxda Barcelona oo sugayay saxiixa Paco Alcacer.

Paco Alcacer ayaa maanta ku baasay tijaabada caafimaadka ee Barcelona, waxaana xusid mudan in saxiixa dib loodhigay ilaa 24 saac ilaa Munir oo qayb ka ah saxiixa laacibka uu ka dhamaystirayo ku biiridiisa Valencia.

Barcelona ayaa si rasmi ah u shaacin doonta saxiixa Paco Alcacer maalinta barri ah, iyaga oo kadib u soo bandhigi doona saxaafada.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close