“War yaan la igu celin Soomaaliya haddii kale waa la i dilayaa.”. Mo Farah walaalkii

File photo dated 13-08-2016 of Great Britain's Mo Farah with his gold medal following the Men's 10,000m final at the Olympics Stadium on the eighth day of the Rio Olympics Games, Brazil. PRESS ASSOCIATION Photo. Issue date: Monday August 22, 2016. Rio has staged an Olympic Games full of memorable moments for the world's top athletes. See PA story OLYMPICS Moments. Photo credit should read Owen Humphreys/PA Wire.

(London) 28 Agoosto 2016. Geesiga Olombikada Mo Farah walaalkiis ayaa ka baqaya in dib loogu celiyo Soomaaliya wuxuuna ku doodaya in la dili doono hadii dib loo celsho.

Axmed Faarax oo ah 27 jir ayaa wajahaya maxkamad kadib ku helidii keentay xabsiga ee quseysay inuu ka mid ahaa weerar midi lagu geystay.

Axmed oo markii hore ka shaqayn jiray baqaar ayaa lagu xukumay xabsi afar sano iyo bar ah balse waxaa lasoo daayay hooraantii 2014. Axmed ayaana hadda sugaya in hay’adda Home Office ay dib dalkiisa ugu celiso iyo inkale.http://img.thesun.co.uk/multimedia/archive/01604/

Wuxuuna qirtay in sawirada jirkiisa ku qoran ee Tattoos ay tahay wax uu hubo inay u keeni karaan in la dilo hadii loo celiyo dalkii uu isaga iyo walaalkii Mo Farah ka yimaadeen markay caruurta ahaayeen.

Axmed oo ku nool dhismo sare oo hal qol ka kooban kuna yaala koonfurta London ayaa yiri: “Dadku way dareemayaan inaanan halkaas joogi jirin – qaabka aan u hadlo, socodkeyga iyo waxkasta oo aniga igu saabsan.

 “Waxaan ahay qof Muslim ah, waan tukadaa Allena waan aaminsanahay, balse sheeyaasha sida tattoos ka ii saaran waa ka mamnuuc shareecada islaamka.

 “Ma aanan ahayn qof xun. Waxaan sameeyay uun hal qalad haddana nolosheyda waan dabartaa.

 “Dib uma laaban karo. Waa khatar saa’id ah. Waxaan ka cabsanayaa inaan ugu dambeys dhinto.”

Mohammed Shidane.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close