SERIE A: Inter Milan oo guul gaari la’ kulankii labaad…+SAWIRRO

(Milano) 28 Agoosto 2016. Inter Milan ayaa guul gaari la’ kulankeedii labaad ee horyaalka Serie A kaddib markii ay bar-baro 1-1 la dhaafi waysay Palermo oo marti ugu ahayd mininkeeda San Siro.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0.

Balse markii la isku soo laabtay qeybtii labaad bilowgeedii ayaa waxaa hogaanka u dhiibay Palermo xiddigeeda Andrea Rispoli daqiiqadii 48-aad.

Inter Milan ayaa dadaal dheer kaddib iska soo guday goolka daqiiqadii 72-aad oo waxaa madaxa ugu dhaliyay dhaliyahooda Mauro Icardi oo waxaa karoos u soo qaaday saxiixooda cusub ee Antonio Candreva.

Naadiga Inter ayaa guul darro ku furatay kulankeedii ugu horreeyay ee horyaalka Talyaaniga ee xilli ciyaareedka cusub kii labaadna iminka ayay bar-baro gashay taa oo la micno ah inay wadato hal dhibic oo qura.

SAWIRRO:

Cq9z21UXYAIGsWg

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close