Rikoodhadii laga diiwaan geliyey kulankii ay dhibcaha kala qeybsadeen kooxaha Tottenham iyo Liverpool ee Premier League

Rose

(London) 28 Agoosto 2016 – Tottenham oo marti galisay kooxda Liverpool ayaa isku mari waayay bar-baro 1-1 oo dhibcaha kala qeybsaday kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hoggaamineyso kooxda martida ahayd ee Liverpool.

James Milner ayaa rigoore u dhaliyay kooxdiisa daqiiqadii 43-aad, isagoo dhanka qaldan u diray goolhayaha.

Erik Lamela ayaa rigoorada ku keenay kooxdiiisa kaddib markii uu diilinta ganaxaa ku carqaladeeyay Roberto Firmino.

Danny Rose ayaa goolka u soo guday Tottenham daqiiqadii 72-aad kaddib kubbad uu madaxa ugu soo wareejiyay Lamela oo markii hore rigoorada ku keenay kooxdiisa.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso rikoodhadii laga diiwaan geliyey ciyaartaan:-

>- Waa markii ugu horreysay oo ay kooxda Liverpool saddexda kulan ee furitaanka horyaalka xilli ciyaareedka ku ciyaarto meel ka baxsan garoonkeeda tan iyo Chelsea & Bolton xilli ciyaareedkii 1997-98.

>- Liverpool ayaa gool u rogtay 10 ka mid ah 11-kii gool kulaad (Rigoore) ee ugu dambeeyey oo ay ku heshay Premier League, kaliya halka gool ku laad oo ay iska lumiyeen waxa uu ahaa kii Steven Gerrard kulan ay ka horjeedeen QPR 02 bishii May sanadkii 2015.

>- Liverpool ayaa gool dhalisay siddeed kulan oo xiriir ah oo ay horyaalka Premier League ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda markii ugu horreysay tan iyo bishii April illaa November sanadkii 2006.

>- James Milner ayaa unbeaten ah oo aan laga adkaan kooxdiisa 42 kulan oo uu Premier League gool ugu dhaliyey, 34 kulan guul ayey gaareen halka ay 8 kale barbaro galeen, kaliya Darius Vassell ayaa rikoodhkan kaga fiican kaasoo aan kooxdiisa laga adkaan marka uu gool u dhaliyey 46 kulan.

>- Harry Kane ayaan gool dhalin mid kastoo ka mid ah 10-kii kulan ee horyaalka Premier League uu ciyaaray bisha Agoosto.

>- Lix ka mid ah siddeed gool oo uu Danny Rose ka dhaliyey horyaalka Premier League ayaa yimid iyadoo lagu ciyaarayo garoonka kooxdiisa ee White Hart Lane.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close