RASMI: Kooxda Sporting Lisbon oo shaacisay in Joao Mario uu ku biiray Inter Milan

JoaoMario-airport-fcinternews_0

(Lisbon) 28 Agoosto 2016 – Kooxda kubadda cagta Sporting Lisbon ayaa shaaca ka qaaday inay Inter Milan heshiiska kala gaartay Joao Mario, kaasoo ku kacaya 40 milyan oo euro oo lagu daray 5 milyan oo euro oo ku xirnaan doonta qaab ciyaareedka xiddigan.

Maalin ka hor ayey ahayd markii laacibkan khadka dhexe uu soo gaaray magaalada Milano si uu tijaabada caafimaad ugu maro Nerazzurri, isla markaana uu u la gaaro heshiiska shaqsiga ah, waxaana arrinta kaliya ee heshiiska ka harsanayd ay ahayd qaabka lacagta oo bixinayo, iyadoo markii hore ay Inter doonaysay inay bixiso 10 Milyan oo Euro oo ay amaah ahaan xiddigan ugu qaadanayso iyo in 35 milyan oo Euro si joogto ah ugu iibsato sanadka 2017.

“Waxaan heshiis kala gaarnay Inter Milan iibka Joao Mario oo ku kacaya 45 Milyan oo euro, waxaana 5 milyan oo ka mid ah ay ku xiran tahay sharuudo, kooxdu waxa ay farxad u rajeyneysaa Joao Mario shaqsi ahaan iyo weliba xirfad ahaan.” ayey u dhignayd warbixinta ay Sporting CP ka soo saartay heshiiska Mario.

Inter Milan waxa ay Joao Mario saxiixiisa ku garaacay kooxaha waa weyn ee Chelsea, Man United iyo Real Madrid oo wada doonayey xiddigan reer Portugal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close