PREMIER LEAGUE: Man City oo labo cad ka dhigtay West Ham +SAWIRRO

(Manchester) 28 Agoosto 2016.Kooxda Manchester City  ayaa garoonkeeda kusoo dhaweysay naadiga West Ham United ciyaar ka tirsan horyaalka Ingiriis-ka oo caawa ka dhacday  Etihad Stadium .

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dar dar ah iyadoo kooxda Man City  ay durba qabatay hoggaanka ciyaarta waxaana u dhiibay xiddiga Raheem Sterling daqiiqaddii  7 ’ aad ee ciyaarta isagoo ka dhigay 1-0.

Daqiiqaddii 18’aad ee ciyaarta Sky Blues  ayaa la timid goolkii labaad waxaana u dhaliyay xiddiga reer Brazil ee Fernandinho, iyadoo qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 2-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda West Ham  waxa ay la timid gool cajiib ah, waxaanau dhaliyay xiddiga garabka weerarka ee Michail Antonio isagoo rajo u yeelay kooxda West Ham.

Weeraryahanka reer Argentina ee  Agüero ayaa kooxdiisa ka qasaariyay fursado wanaagsan kuwaas oo goolal  loo filan karay balse xiddiga Raheem Sterling ayaa markale shabaqa soo taabtay isagoo ciyaarta ka dhigay 3-1.

Sikastaba ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-1, waxaa kooxda uu hoggaamiyo Guardiola ay iminka leedahay 9 dhibcood iyadoo farqiga goolasha ku hoggaamineyso horyaalka Ingiriis-ka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close