Neymar oo lagu wado inuu bixiyo lacago ganaax oo xajmi leh kaddib….

neymar

(Brazil) 28 Agoosto 2016. Sida laga soo xiganaayo warbaahinta Brazil, weeraryahanka Barcelona wuxuu bixin doonaa lacago ganaax kadib markii lagu helay isdaba marsiin canshuureed intii u dhexeysay sanidihii 2007 iyo 2008.

Sida laga soo xiganayo warbaahinta Brazil, weeraryahanka Barcelona iyo xulka qaranka Brazil ee Neymar ayay tahay inuu baxsho ganaax sugaya oo dhan €125,000 oo qoorta loo galshay kadib markii lagu helay isdaba marsiin canshuureed intii u dhexeysay sanidihii 2007 iyo 2008.

Image result for neymar and his father

Maxkamada Sao Paolo Federal ayaa diiday racfaankii koowaad oo ay soo gudbiyeen ciyaaryahanka iyo aabihii kadib markii lagu helay dambiga April 2014. Markale ayaa lagu xukumay inay baxshaan ganaaxa January sanadkaan waxayna go’aan sadeen inay baxshaan ganaaxa iyaga oo sugin waxa kasoo baxa racfaankii ay horay u qaateen.

Ganaaxa ayaa markii hore lasoo rogay maadaama ciyaaryahankii hore ee Santos uusan caddeyn qaababka uu u sameeyay lacago is xigxigay bixintooda ka hor intuusan Neymar u soo kicitamin kooxda Barcelona sanadii 2013.

Arintani maahan mid ku cusub ciyaaryahankan reer Brazil waxayna u muuqataa inay is garanayaan maxkamadaha dalkiisa. Waxaa lagu helay bishii March ee sanadkaan inuu ka dhuumanaayay canshuurta markii loo eego xariiradiisa kala dhexeeyay Santos, Barcelona iyo Nike taas oo ganaax ahaan noqoneysa inuu baxsho lacag dhan 32 million balse uu u heysto inuu racfaan ka qaato.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close