HOR DHAC: Cagliari Vs. Roma

Cagliari-vs-Roma-Match-Preview-and-Prediction-Italian-Serie-A-28-August-2016

(Roma) 28 Agoosto 2016. AS Roma waxa ay isha ku haysaa in ay guusheedii labaad ee horyaalka gaarto kaddib markii ay badis ku daah furtay Serie A-ga ololahan 2016-17.

Dhinaca Cagliari oo soo qaaday horyaalka Serie B waxa ay raadineysaa guushii ugu horreeysay.

 

WARARKA LABADA NAADI

-Dhibaatadii daafac ee Roma wali wey sii socotaa iyada oo Kostas Manolas jug muruqa ah uu qabo waxaana shaki laga galinayaa kulankan.

– Edin Dzeko keydka ayaa looga soo tagi karaa si loo adeegsado ‘9’ faalso ah.

-Cagliari waxaa dhaawac uga soo laabanaya oão Pedro.

– Marco Sau waxa uu duullaanka ku wehelin doonaa Marco Borriello, waaxaase maqan Federico Melchiorri.

 

LASOCO

-Roma guul darro lama aysan kulmin 18-kii kulan ee ugu dambeeyey Serie A-ga .

-Saddexddii kulan ee labadan kooxood isugu dambeeysay waxaa guusha heshay Roma.

 

SAFAFKA LA FILI KARO

Cagliari (3-5-2): Storari; Ceppitelli, Alves, Capuano; Isla, Padoin, Di Gennaro, Ionita, Murru; Borriello, Sau

 

Roma (4-3-3): Szczesny; Bruno, Manolas, Vermaelen, Emerson; Maksimovic, Nainggolan, Strootman; Salah, Dzeko, El Shaarawy

 

Gegida: Sant’Elia

Saacadda geeska Africa: 9:45Pm

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close