HOR DHAC: Chelsea Vs. Burnley

Capture

(London) 27 Agoosto 2016. Chelsea waxa ay dooneysaa in ay diiwaan gashato guusheedii saddexaad ee Premier League ololahan ugubka ah marka ay soo dhaweeyaan kooxda dhawaan soo dalacday ee Burnley.

Blues waxa ay heshay dhibcihii loo baahnaa labadii kulan ee ay soo dheeshay halka Burnley qudhooda ay kalsooni qabaan maadama ay 2-0 ku dileen Liverpool asbuucii hore kulankii ka dhacay gegida Turf Moor.

 

WARARKA LABADA NAADI

-Willian waxa uu kulankii Watford ku seegay xanuun muruqa lugta ah laakiin waxaa la filayaa in uu ka qeyb qaato ciyaarta Burnley. Kurt Zouma and Marco van Ginkel wey maqnaan doonaan iyaga.

– Ola Aina waxa uu ku maqnaan doonaa dhaawac soo gaaray kulankii ugu dambeeyey ee Capital One Cup-ka, taas waxa ay ka dhigan tahay in Conte uu afar daafac oo qura haysto.

– Diego Costa and Batshuayi ayaa la qabaa in ay duulaanka ku soo wada bilaaban doonaan kaddib markii uu bandhigyo wanaagsan la yimi Belgium-ka.

-Fabregas oo wax ka badalay kulankii Watford ayaa isna la fahansan yahay in uu dhexda isla bilowga ka soo muuqdo.

-Burnley wax dhibaato ah safkooda ka jira ma leh.

 

LA SOCO….

-Chelsea guul darro lama aysan kulmin afartii kulan ee ay is arkeen Burnley Premier League-ga, saddex ayey badiyeen halka midna bar bar dhac.

-Chelsea kulan qura ayey guul darro la kulantay 45 jeer oo ay la dheeshay kooxaha ka soo dallaca horyaalka heerka labaad, waxa ay timid midaas xilli ciyaareedkii hore (Bournemouth ayaa 0-1 gegida Stamford Bridge uga ku adkaatay.)

-Diego Costa waxa uu dhaliyey toddobo gool sagaal jeer oo uu Premier League u saftay Chelsea bisha Agoosto.

SAFAFKA LA FILI KARO

Chelsea: Courtois; Azpilicueta, Terry, Cahill, Ivanovic; Matic, Kante, Oscar; Hazard, Costa, Pedro

 

Burnley: Heaton; Lowton, Keane, Mee, Ward; Arfield, Defour, Marney, Boyd; Vokes, Gray

 

Gegida: Stamford Bridge

Saacadda geeska Africa: 5Pm

Dhex dhexadiyaha: Mark Clattenburg


 

QORE: Mohamed Musa Mohamed (Moh’ed Kaafi).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close