EPL: Man United oo gool soo daahay guul kaga gaartay Hull City… + SAWIRRO

(Manchester) 27 Agoosto 2016 – Kooxda kubadda Manchester United ayaa gool soo daahay guul kaga gaartay naadiga Hull City oo ay marti u ahayd, waxaana Mourinho iyo kooxdiisa ay sidaas ku gaareen guushoodii saddexaad oo xiriir ah horyaalka Premier League.

Manchester United ayaa fursado ay ciyaarta hoggaanka ugu qaban kartay heshay qeybta hore, waxaana labo fursadood ka lumiyey Wayne Rooney iyo Zlatan Ibrahimovic.

Dhanka Hull City waxaana dhaawac ka soo gaaray xiddigooda Robert Snodgrass, markii uu ku dhacay birta goolka Man United, kulankan ayaana lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay 48’daqiiqo waxaa garoonka dhaawac soo gaaray qeybtii hore garoonka uga baxay laacibkii Hull City ee Robert Snodgrass waxaana lagu bedelay Shaun Maloney.

Kooxda Hull City oo difaaceedu aad u wanaagsanaa ayay ku adkaatay Man United inay waqti hore shabaqa gaaraan macallin Mourinho ayaana sameeyey labo bedel oo deg deg ah isagoo garoonka soo galiyey Marcus Rashford iyo Henrik Mkhitaryan, waxaana lagu kala bedelay Anthony Martial iyo Juan Mata.

Ciyaarta oo 90’daqiiqo dhammaatay daqiiqadihii dheeriga ahaa oo lagu kordhiyey ahaana saddex daqiiqo ayey goolka guusha oo soo daahay la timid Man United, waxaana u dhaliyey Marcus Rashford oo bedel ku soo galay, kaddib markii oo baas wanaagsan ka helay Rooney oo garab ka soo xarooday, kulanka ayaana ku soo idlaaday 1-0 ay ku adkaatay Man United.

SAWIRRO:

Cq4cFb9XYAUHSvh

Cq4cGRqW8AA9Hrg

Cq4cHvrXYAAWJGs

Cq4cIsiWcAAxmrF

Cq4mXkYWEAA4qQ0

Cq4r6XHW8AAq0td

Cq4r9XHXEAA6aJ4

Cq4r66NWYAApRVP

Cq4tpD5XYAANyLp

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close