Chelsea oo £47million ku dooneysa Marquinhos

e3988

(London) 26 Agoosto 2016. Chelsea waxa ay diyaarineysaa dalab ay ka gudbiso daafaca Paris Saint-Germain Marquinhos si ay ula soo saxiixato kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga, sidaas waxaa laga soo xiganayaa warar hoose oo France ah.

Marquinhos waxa uu 75 kulan u saftay kooxda PSG tan iyo markii uu kulankiisii ugu horreeyey matalay 2013 laakiin 22 jirka hada si weyn ayaa loola xiririnayaa Stamford Bridge.

Jariirada Le 10 Sport ayaa sheegtay in Blues ay diyaar u tahay bixinta aduun dhan £47million.

Sidoo kale kooxaha Barcelona iyo Manchester United ayaa iyana raba Marquinhos.

PSG waa u diyaar hadii ay Chelsea bixiso qiimaha ay ku rabto laacibka reer Brazil.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close