Wax waliba oo aad uga baahan tahay isku aadka Champions League oo caawa la samaynayo… (Sidee ayey iskugu aadi karaan kooxaha waawayn, goormee ayaase la ciyaari doonaa?)

CL

(Manaco) 25 Agoosto 2016 – Halkaan waxaan idinku soo bandhigaynaa warbixinnada muhiimka ah ee la xariira isku aadka isreeb-reebka kooxaha ee tartanka Champions League oo caawa lagu soo bandhigi doono magaalada Manaco ee dalka Faransiiska.

Isku aadka kooxaha Champions League loo sameynaayo ayaa ka dhici doona magaalada Monaco caawa marka ay saacadu ku beegan tahay 8:00 habeenimo xilliga geeska Afrika.

Kooxda Real Madrid oo difaacanaysa koobkan ayaa ah kooxda ugu sarreysa waxayna dheriga 1-aad kula jirtaa kooxaha kusoo guuleystay horyaallada dalalka todobada ah ee Spain, Germany, England, Italy, Portugal, France iyo Russia.

Tan ayaa ka dhigan in kooxda uu layliyo tababare Zinedine Zidane oo ay final-kii koobkan uga soo qaadeen kooxda caasimadda ay ku xifaaltamaan ee Atletico Madrid magaalada Milano aysan ka hor imaan karin kooxaha Barcelona, Bayern Munich, Leicester City, Juventus, Benfica, Paris Saint-Germain iyo CSKA Moscow.

Halka dheriga 2-aad ay ku wada jiraan kooxaha Atletico Madrid, Borussia Dortmund, Arsenal, Sevilla, Napoli, Bayer Leverkusen, Porto iyo Manchester City.

Kooxaha Tottenham iyo Basel ayaa galay dheriga 3-aad waxaana ay kula biireen kooxaha Dynamo Kyiv, Lyon, PSV, Sporting CP, Club Brugge iyo Borussia Monchengladbach.

Dhanka kale kooxda reer Turki ee Besiktas, Monaco iyo Celtic ayaa ka mid ah kooxaha ugu weyn ee ku jira dheriga Afaraad.

Xafladda lagu sameynaayo isku aadka heerka guruubyada Champions League sidoo kale waxaa lagu soo bandhigi doonaa ciyaaryahanka ugu wanaagsanaa qaaradda Yurub xilli ciyaareedkii tagay, halkaa oo labada ciyaaryahan ee Real Madrid Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale iyo dhiggooda Antoine Griezmann ay yiihin saddexda ciyaaryahan ee u tartamaya abaal-marintaas.

Sida ay dheriyada u kala galeen kooxaha halkaan hoose ka eeg:-

DHERIGA 1-AAD: Real Madrid, Barcelona, Leicester City, Bayern Munich, Juventus, Benfica, Paris Saint-Germain, CSKA Moscow.

DHERIGA 2-AAD: Atletico Madrid, Borussia Dortmund, Arsenal, Sevilla, Napoli, Bayer Leverkusen, Porto, Manchester City.

DHERIGA 3-AAD: Tottenham Hotspur, Dynamo Kyiv, Lyon, PSV, Sporting CP, Club Brugge, Basel, Borussia Monchengladbach.

DHERIGA 4-AAD: Besiktas, Monaco, Legia Warsaw, Ludogorets, Celtic, Copenhagen, Rostov, Dinamo Zagreb

Waqtiyada Kulamada la ciyaari doono halkaan hoose ka eeg:

Kulammada 1-aad: September 13 & 14

Kulammada 2-aad: September 27 & 28

Kulammada 3-aad: October 18 & 19

Kulammada 4-aad: November 01 & 02

Kulammada 5-aad: November 22 & 23

Kulammada 6-aad: Decembmer 06 & 07

W/D: Mohammed Shidane

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close