Sidee lookala helay codadka laacibka ugu fiican yurub?

(Monaco) 25 Agoosto 2016 Laacibiinta kala ah Cristiano Ronaldo, Antoine Griezman iyo Gareth Bale ayaa u tartamayay hanashada laacibka ugu fiican yurub.

Antoine Griezman ayaa laga qaaday 2-dii Final ee ugu muhiimsanaa xiliciyaareedka ee Champions League iyo Euro 2016 halka Bale uu ku guulaystay kaliya koobka horyaalada yurub.

Ronaldo ayaa ku guulaystay Champions League iyo euro 2016, cod bixiyayaasha ayaana u arkay inuu yahay laacibka mudan abaal marinta.

Cristaino ayaa helay codadkii ugu badnaa waana 40 cod, waxaa booska labaad soo galay laacibka Atletico Madrid ee Antoine Griezman kaas oo helay 8 cod.

Gareth Bale ayaa helay 7 cod taas ayaana ka dhigan in laacibka reer Wales uu soo ciriirsaday booska 3-aad.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close