Siddee loogu kala guuleystay abaal-marinta laacibka ugu fiican Yurub oo ay caawa u sharraxan yihiin Ronaldo, Bale iyo Griezmann, tan iyo xilli ciyaareedkii 2010-11?

three

(Europe) 25 Agoosto 2016 – Caawa ayaa la bixin doonaa abaal-marinta laacibka ugu fiican Yurub iyadoo ay ku tartamayaan labada xiddig ee u wada safta Real Madrid Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale iyo xiddiga Atletico Madrid Antoine Griezmann.

Ronaldo ayaa kooxdiisa Real Madrid kula guuleystay Champions League isagoo waliba dhaliyay goolkii rigoorada ee guusha, wuxuuna sidoo kale Euro 2016 kula guuleystay xulkiisa Portugal inkastoo uu dhaawac ku baxay bilowga ciyaartii Final-ka ay la yeesheen xulka Faransiiska.

Bale ayaa sidoo kale Los Blancos kula guuleystay CL wuxuuna xulkiisa ku hoggaamiyay semi-final-ka Euro 2016.

Antoine Griezmann waxba kuma uusan guuleysan marka laga reebo kabaha dahabka ee gool dhalinta Euro 2016, waxaa ku habsatay nasiib darro oo kooxiisa Atletico Madrid uma yeelan nasiib inay ciyaartii Final-ka CL ka guuleysato Real Madrid, halka xulkiisa Faransiiska uu isna guul darro kala kulmay Portugal final-kii Euro 2016.

Haddaba waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbinaynaa sidii loogu kala guuleystay abaal-marintan tan iyo xilli ciyaareedkii 2010-11:-

2010–11       Argentina Lionel Messi    Barcelona

2011–12       Spain Andrés Iniesta       Barcelona

2012–13       France Franck Ribéry      Bayern Munich

2013–14       Portugal Cristiano Ronaldo Real Madrid

2014–15       Argentina Lionel Messi    Barcelona

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close