RASMI: Cristiano Ronaldo oo ku guulaystay abaal marinta laacibka ugu fiican yurub

(Monaco) 25 Agoosto 2016 Xiriirka kubadda cagta yurub ee UEFA ayaa gudoonsiiyay Cristiano Ronaldo abaal marinta laacibka ugu fiican yurub ee 2016.

Cristiano Ronaldo ayaa abaal marintaan ka dul qaaday ciyaartoyda kala ah Gareth Bale iy Griezmann kuwaas oo kula loolamayay sanadkaan.

Kabtanka xulka qaranka Portugal ayaa u gacangaliyay kooxdiisa Real Madrid koobka horyaalada yurub isaga oo sidoo kale koobka qaramada qaarada yurub kula guulaystay xulkiisa Portugal.

Ronaldo ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay ku guulaysiga abaal marinta laacibka ugu fiican yurub, wuxuuna amaan u soo jeediyay xiddigihii kula tartamayay ee Bale iyo Griezmann.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close