RASMI: Chelsea oo dhamaystirtay saxiixa goolhaye Eduardo

Photo published for Eduardo transfer completed

(London) 25 Agoosto 2016 Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah u shaacisay saxiixa goolhayihii kooxda Dinamo Zagreb ee Eduardo kaas oo soo caga dhigtay kooxda galbeedka London.

Chelsea ayaa xaqiijisay in goolhaye Eduardo uu qalinka ugu duugay heshiis hal sano ah kadib markii ay kala soo wareegeen kooxda reer Croatia ee Dinamo Zagreb.

33 jirkaan ayaa qayb ka ahaa ciyaartoydii kula guulaystay xulka qaranka Portugal koobkii qaramada qaarada yurub ee lagu qabtay dalka faransiiska.

Eduardo ayaa sheegay in isaga ay u ahayd go’aan fudud ku soo biirida kooxda Blues isaga oo cadeeyay inuu diyaar u yahay tartanka kala dhexeeya Thibaut Courtois iyo Asmir Begovic.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close