Nasser Al-khelaifi oo albaabka ka xirtay Juventus: Matuidi iib ma ahan”

Blaise Matuidi

(Paris) 25 Agoosto 2016 Milkiilaha kooxda PSG Nasser Al-khelaifi ayaa ka hadlay wararka sheegaya in laacibkiisa Blaise Matuidi uu ku sii dhawaanayo kooxda Juventus.

Nasser Al-khelaifi ayaa sheegay in Matuidi uu ku faraxsanyahay kooxda reer France ee PSG isla markaana laacibka uu dhamaysan doono waqtiga uga dhiman heshiiskiisa.

Kadib isku aadkii wareega guruubyada ee Champions League, Nasser Al-khelaifi ayaa wax laga waydiiyay mustaqbalka Blaise Matuidi, wuxuuna ku jawaabay:

“Matuidi wuxuu ku faraxsanyahay PSG, heshiiska uu nagula jiro waxaa uga haray 2-sano” Nasser Al-khelaifi ayaana ula jeeda hadalkaan in Matuidi uusan meelna uga socon kooxdiisa.

Hadalkaan ayaa beeninaya warar maanta ka soo baxay talyaaniga kuwaas oo sheegayay in Juventus ay ku dhawdahay saxiixa Matuidi.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close