Muxuu ka yiri Gareth Bale isku aadka wareega guruubyada ee Champions League?

(Madrid) 25 Agoosto 2016 Laacibka kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa ka hadlay isku aadka wareega guruubyada ee koobka horyaalada yurub oo la sameeyay caawa.

Real Madrid ayaa ku jirta mid kamid ah guruubyada ugu adag Champions League, waxaana kula jira kooxaha kala ah Borussia Dortmund, Sporting Lisbon iyo Legia Warsaw.

Bale ayaa dhanka kale u hambalyeeyay saaxiibkiis Ronaldo kaas oo ku guulaystay abaal marinta laacibka ugu fiican qaarada yurub.

“Isku aadku wuxuu nagu aadiyay guruub aad u adag laakiin waxaan filayaa inaan u soo gudbi doono wareega 16-ka” ayuu yiri Gareth Bale.

“Waan u hambalyeeynayaa Ronaldo waayo waa uu u qalmaa abaal marintaan, tijaabo fiican ayeey ii ahayd inaan joogo halkaan”.

“Waxaan rajaynayay inaan ku guulaysto abaal marinta laakiin waxaa wax fiican ah inaan joogo halkaan waayo taasi waxay cadaynaysaa inaan hormar samaynayo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close