DOOD FURAN: Yaad is leedahay caawa wuu ku guuleysan doonaa abaal marinta laacibka ugu fiican Yurub…(Ronaldo, Bale mise Griezmann)

sadexda

(Europe) 25 Agoosto 2016. Caawa ayaa la bixin doonaa abaal marinta laacibka ugu fiican Yurub iyadoo ay ku tartamayaan labada xiddig ee u wada safta Real Madrid Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale iyo xiddiga Atletico Madrid Antoine Griezmann.

Ronaldo ayaa kooxdiisa Real Madrid kula guuleystay Champions League isagoo waliba dhaliyay goolkii rigoorada ee guusha, wuxuuna sidoo kale Euro 2016-kula guuleystay xulkiisa Portugal inkastuu dhaawac ku baxay bilowga ciyaartii Finalka ay la yeesheen xulka Faransiiska.

3

Bale ayaa sidoo kale Los Blancos kula guuleystay CL wuxuuna xulkiisa ku hogaamiyay semi-final-ka Euro 2016.

Antoine Griezmann waxba kuma uusan guuleysan marka laga reebo kabaha dahabka ee gool dhalinta Euro 2016, waxaa ku habsatay nasiib darro oo kooxiisa Atletico Madrid uma yeelan nasiib inay ciyaartii Finalka CL ka guuleysato Real Madrid halka xulkiisa Faransiiska uu isna guul darro kala kulmay Portugal final-kii Euro 2016.

Haddaba aqriste adigoo ka duulaya qoraalka kore yaad isleedahay caawa wuu ku guuleysan doonaa abaal marinta laacibka ugu fiican Yurub?

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close