DAAWO SAWIRRO XUL AH: Kuguulaysigii Ronaldo ee xiddiga yurub 2015/16

(Madrid) 25 Agoosto 2016 Laacibka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa hantay laacibka ugu fiican qaarada yurub xiliciyaareedkii dhamaaday ee 2015/16.

Ronaldo ayaa kooxdiisa Real Madrid la qaaday Champions League isaga oo sidoo kale xulkiisa u gacangaliyay Euro 2016.

“Aad ayaan u faraxsanahay, wuxuu ahaa xiliciyaareed cajiib ah, waa wax aan fiicnayn in aan la tilmaamin Bale iyo Griezmann waayo labaduba waxay soo bandhigeen xiliciyaareed cajiib ah” ayuu yiri Ronaldo.

Cristaino oo si gooni ah ula hadlay Griezmann ayaa yiri:

“Waa wax laga xumaado inaad guulo ka soo hoyn kulamadii Final-ka, laakiin waxaad soo bandhigtay xiliciyaareed aan larumaysan karin, adigana sidoo kale Gareth Bale”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close