Arsenal oo gacanta ku soo dhigtay Lucas Perez (Goorma ayuu marayaa tijaabada caafimaadka?)

(London) 25 Agoosto 2016 Kooxda Arsenal ayaa ugu danbayntii gacanta ku soo dhigtay weerar yahanka reer Spain ee kooxda Deportivo Lucas Perez.

Kooxaha Arsenal iyo Deportivo ayaa isla meel dhigay qiimo dhan 16.9 milyan oo Ginni si 27 jirka weerarka uga ciyaara kooxda reer Spain uu ugu biiro Gunners.

Cadena Ser ayaa baahisay in labada kooxood ay heshiis kama danbays ah gaareen duhurnimadii maanta, waxaana la xaqiijiyay in Lucas Perez uu qalinka ugu duugi doono Arsenal heshiis 4 sano ah.

Photo published for Arsenal hijack Everton's bid for striker Lucas Perez Martinez of Deportivo 

Wararka ayaa intaa ku daraya in Lucas Perez uu barri oo jimco ah u soo duuli doono magaalada London si uu tijaabada caafimaadka ugu maro Arsenal, waxaana la filayaa in laacibku uu ka soo muuqdo kulanka sabtiga ee Watford.

Arsenal ayaa uga adkaatay kooxda Everton saxiixa Lucas Perez maadama laacibka reer Spain uu doonayo ku biirida koox ka ciyaaraysa Champions League.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close